Nin madaxa ka xiiray xaaskiisa markii uu timo ku arkay cunto ay siisay

Image

DHAKA, Bangladesh – Shaqsi u dhashay Bangladesh kaasoo si qasab ah madaxa uga xiiray marwadiisa markii uu timo ku arkay quraacdiisa ayaa la xiray, sida uu Talaadada maanta ah shaaciyey Booliska.

Hay'addo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhacdan kadib waxay aad kaga digeen xadgudubyadda ka dhanka ah dumar oo kusoo badanaya waddankan dhaca qaaradda dadka badan ee Aasiya.

Bileyska ayaa ku duulay hoyga oo ku yaala Waqooyi Galbeed ee degmada Joypurhat, waxayna soo qabteen Bablu Mondal, 35-sano jir, markii rayidka ay falkan kusoo war-geliyeen laamaha ammaanka.

"Timo bini'aadam ayuu ka helay Bariiska iyo Canaaha oo ahayd quraacda ay xaaskiisa u diyaarisay isaga," sidaas waxaa Wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Shahriar Khan, taliyaha booliska halkaas.

Haweenayda oo 23-sano jir ah ayaa waxa aysan wali ka waramin dareenkeeda. Balse, mar la isku dayey in la su'aallo waa ay diiday.

"Aad ayuu u carooday markii uu arkay; isaga oo eedeeyay xaaskiisa. Kadib wuxuu soo qaatay Maqas isaga oo si awood ah madaxa kaga xariiqay," ayuu hadalkiisa kusii daray sarkaalkan sheekadan ka warbixiyey.

Khan ayaa xusay in Bablu lagu soo oogay dacwad ah "in uu dhaawacay qof si bilaash ah ugu adeegayay" iyo in uu u gacan-qaadey xaaskiisa. Dambigaas wuxuu ku tumeysan karaa 14-sano oo xabsi ah.

Bangladesh ayaa, sidda ay sheegaan hay’addaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah, waxay kamid tahay wadamada sida aadka ah loogu tunto xuquuqda dumarka, wallow ay socdaan olale lagu joojinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM