Nin qirtay in uu dili rabay deriskiisa balse uu qorigii u shaqeyn waayey

Image

WASHINGTONG, US – Laamaha amaanka Mareykanka ayaa xabsi dhigay nin ku dhaartay in uu dilayo deriskiisa balse uu qoriga u shaqeyn waayey.

Gary Finch, 67-jir, oo bileyska ugu soo cowday in deriskiisa ay qashin soo dhigeen agagaarka gurigiisa ayaa wajahaya dambi ah isku day dil oo bareer ah.

"Markii uu bileyska soo wacay wuxuu noo sheegay in uu qorigiis raad-sanayo uuna dili doono, hadii aysan imaan," ayaa laga soo xigtay sarkaal boolis.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, Mr Finch ayaa cabeystay qoriga kuna taagey deriskiisa isaga oo dhowr jeer ridday balse ay rasaasta u dhici wayday.

Lamaaneyaasha ayaa intaasi kadib dib ugu cararay hoygooda, waxaana durba meesha yimid ciidanka Booliska.

Howlgal laga sameeyay guriga shaqsiga la tuhunsan yahay ayaa dhalisay in laga soo helo hub badan iyo rasaastooda.

Gary Finch oo dambiga qirtay ayaa kolkii dambe lagu sii daayey damaanad lacageed oo gaareysa 20-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

Dhacdadani oo 1-dii bishan June waxay ka dhacday magaaladda Austin oo ka tirsan gobolka Texas ee Mareykanka ayaa noqotay tan ugu hadalheynta badan degaankaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM