Oday 89-jir ah oo markii uu dhintay lala aasey wargeysyadii uu ku taxanaa

Image

KAMPALA, Uganda – Odey 89-sano jir ah ayaa lagu waramayaa in markii uu dhintay lala aasey nuqul kamid ah joornaaladii uu ku taxanaa.

Sidda laga soo xigtay wargeyska New Vision, Dodoviko Ssenyonjo ayaa dalabkan gudbiyey kahor inta uusan dhiman.

Sheekadan ayaa ka dhacdey bartamaha waddanka Yugandha [Uganda] ee dhaca Geeska qaaradda soo koreysa ee Afrika.

Marxuumka ayaa la sheegayaa in uu ahaa qof aad ugu taxan akhrisashada jaraa’idyadda ugu caansan waddankaasi.

Reerkiisa ayaa la fahansan yahay in ay rumeysan waayeen qaabka uu u keydiyey joornaalada uu aadka gu xirnaa.

"Wax naadir ah ayey ahayd in lagu arko joornaalada nuqulo la badiyey [copy]," ayaa laga soo xigtay qof kamid dadka degaanka.

Sikastaba ha ahaatee, warkan ayaa waxa uu kamid yahay kuwa loogu hadal-heynta badan yahay qaarada Afrika todobaadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM