Qarax ka dhacay agagaarka Madaxtooyadda oo khasaaro dhaliyey

Image

JAKARTA, Indonesia – Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay Beerta Nasashada Jakarta, oo ku dhow Madaxtooyadda waddanka Indonesia.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxay sheegtay in baaritaan lagu bilaabay weerarka aysan illaa iyo haatan jirin koox sheegatay.

Beerta Nasashadda Qaranka ee Indonesia oo loogu yeero Monas ayaa waxaa xiliga uu falku dhacayey ka socotay gaadi ka cayaar.

Maxsuulka baaritaano horudhac ah ayaa waxay muujinayaan in qaraxu ka dhashay Bam-gacmeed laga soo tuuray Mootooyinka laba lug leh.

Dalkan ay dadkiisu badi yihiin Muslimiin ayaa waxaa mudooyinkii dambe aad ugu badnaa weeraradda ay geysanayaan Islaamiyiinta.

Bishii hore ee November 2019-ka, qarax is-miidaamin oo lagu weeraray saldhig boolis oo ku yaala magaaladda Medan ayaa dilay lix ruux.

Dowladda oo ku adkeystay in ay ka go’an tahay sidii ay uga hortagi lahayd falalka noocaan ah ayaa waxay waydiisatay dadweynaha in ay la shaqeeyaan ciidanka.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Trump oo qorsheynaya duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran kaddib doorashada Mareykanka

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay socon karaan dhowr maalmood, iyadoo ciidamada Mareykanka ay diyaarinayaan hubka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 11:30AM

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM