Qarax ka dhex-dhacay Masjid oo lagu dilay dad uu Imaamka ku jiro

Image

ISLAMBAD, Pakistan - Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku dhimatay, 28 kale waa dhaawac markii qarax lagu beegsaday Masjid ku yaala gobolka Galbeedka dalka Pakistan dhaca ee Quetta, maanta oo Jimce ah.

Weerarka ayaa ka dhacay gudaha Masaajidka kahor Salaada Jimcaha, sidda uu sheegay Abdul Razzaq Cheema, oo ah taliyaha booliska magaaladda, kaasi oo raaciyey in saddex kamida dhaawac ay xaalad halis ku jiraan.

Tauseef Farman, sarkaal ka tirsan bileyska maxaliga, ayaa u sheegay talafishinka Al Jazeera, qaraxa oo ka dhacay afaafka hore ee Imaamka ku tujinayay Salaada, kaasi oo dadka la khaarijiyey ku jira.

Wadaadka oo in badan kasoo muuqan jiray muuqaal baahiyeyaasha maxaliga ah ayaa taageero u ahaa dowladda oo si adag u cambaareysay falkaasi ay ku sifeysay "mid argagixisinimo".

Hay’addaha amaanka oo durba meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan weerarka, sidda uu ka dhawaajiyay Abdul Razzaq, kaasi oo rajo ka muujiyay in xaqiiqada la heli doono.

Muuqaalo ayaa muujinaya in qaraxa uu si daran u sameeyay Masjidka oo ahaa mid iska yar, isla markaana uu burbur lixaad u geystay saqafka sare si lamida dhulka, iyada oo uu go'ey sumacii fidsanaa.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadaan, wallow gobolkaasi oo aad ugu badan rabshadaha noocaan ah ay ka howlgasho Kooxda la magac-baxday dowlada Islaamka.

Quetta, oo magaala madaxdiisu ay tahay Balochistan, kaasoo ah gobolka ugu wayn iyo midka ugu dadka badan wadanka Pakistan, ayaa waxa uu qanni ku yahay macdanta iyo kheyraadka Shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ciidamada Mareykanka ha toogtaan doon kasta oo miino dhigaysa Hormuz

Telefishinka dowladda Iran ayaa baahiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo ciidamada badda Iran oo la wareegaya maraakiibtaas.

  • Caalamka

    23-04-2026

  • 01:46PM

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM