Ra'iisul Wasaaraha Canada oo dhaliilay hadaladii nacaybka ee Trump

Image

OTTAWA, Canada – Ra'iisul Wasaaraha dalka Canada ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu si adag u cambaareeyay hadaladii nacaybka ee madaxweynaha Mareykanka.

Erayadda Donald Trump oo si weyn loogu dhaliilay ayaa ahaa in mudaneyaal ku cusub xeer-dejinta Mareykanka uu ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan dalalkooda "burbursan".

Xildhibaanadda uu dalalkooda ku gafay waxaa kamid ah Ilhaan Cumar, oo asal ahaan kasoo jeeda dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ee Soomaaliya, dhacana Geeska mandiqada.

Isaga oo ka hadlayey shir jaraa'id oo ay qabteen xubnaha gaashaanbuurta NATO, lana su'aalay arrintan ayuu Justin Trudeau yiri: "Taasi ma ahan qaabka aynu ku sameyn lahayn Canada".

Xubnaha uu beegsaday Trump ayaa kala ah; Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhan Omar, Rashida Tlaib, iyo Ayanna Pressley kuwaasi oo kusoo baxay doorashadii u dambeysay ee 2018-kii.

Ocasio-Cortez, Pressley iyo Tlaib ayaa kuwada dhashay gudaha Mareykanka, halka Ilhaan ay ku dhalatay gudaha Soomaaliya balse waxay muwaadin Ameerikan ah ay noqotay sanadkii 2000.

Haweenkan ayaa aad ugu caan-baxay in ay dhaleeceynta siyaasada Trump ee ka dhanka ah dadka soo galootiga ah, waxayna wacad ku mareen in aysan marnaba ka tanaasuli doonin taasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM