Ruux isku hor gubay banaanka mid kamida xarumaha hay'addaha UN-ka

Image

GENEVA, Switzerland – Nin reer Suuriya ah kana soo jeeda Kurdiyiinta ayaa Arbacadii isku hor-gubay banaanka xarunta Hay'adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Geneva.

Ruuxan oo degan waddanka Jarmalka kaasoo jirkiisa uu gubtay %80 ayaa waxaa la dhigay Isbitaal kahor inta aysan boolisku ku guuleysan in ay baqtiijiyaan dabka.

Bukaanka ayaa waxaa la filayaa in uu Isbitaalka kusii jiro.

"Maadaama xaaladiisa ay tahay mid aanan xasilooneyn, ma ahan macquul in aan ogaano waxa ku kalifay dhacdadan, balse waxaan aaminsanahay in ay salka ku hayso arrimo siyaasadeed," ayuu yiri bileyska.

War qoraal ah oo kasoo baxay UNCHR ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay falka uu ku dhaqaaqay shaqsigan aan wali la magacaabin.

"Dhismaha xarunta UNHCR ayuu isku dayey in uu galo, balse saraakiisha amniga waxay ka hor istaageen talaabadaas," ayuu raaciyey.

UNHCR ayaa ayaa badi xarumaheeda waxay ku yaalaan hareeraha wadooyinka, sababtuna waa in ay magan-galyo siiso qaxootiga.

Dhacdadaan ayaa gilgilashay quluubta dad badan, wallow warbaahinta caalamka lagu dhaliilay in ay ka gaabisay baahinta arrintaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM