Iran oo ka hadashay in ay wada hadalo la yeelaneyso Sacuudiga

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Dowladdaha Sacuudiga iyo Iiraan ayaa talaabo wanaagsan oo hore u socod ah u qaadaya wada hadalo aan toos ahayn oo ay yeeshaan, sidda laga soo xigtay wargeyska New York Timies.

Warkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo dhowaan Dhaxal-sugaha Sacuudiga uu ka codsaday hogaamiyeyaasha Ciraaq iyo Pakistan in ay door ka qaataan isu soo dhowaanshiyaha wadamadan.

Riyadh iyo Tehran ayaa waxaa dhextaala xiisad culus, taasi oo sii karaar-qaadatay markii bishii September weerar sawaariiq lagu ekeeyay Ceelasha Shidaalka ee Boqortooyada Sacuudiga.

Inkasta oo falaagadda Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen falkaas haddana reer Galbeedka iyo Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Iiraan, inkasta oo ay iska fogeysay in ay wax lug ah ay ku lahayd.

Jaraa'idka ayaa baahiyey in kadib markii maamulka Trump uusan talaabo aan hadal ahayn uu qaadey uu Sacuudiga goostay in uu xal isagu raadiyo lana hadalo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay xukuumadda Tehran ayaa ku nuux-nuux saday in ay diyaar u yihiin in ay miiska wada hadalka la fariistan Sacuudiga, wallow uu meesha ka saarey in ay la hadlaan maamulka Trump.

Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale saarey Iiraan, taasi oo waxyeelaysay dakhliga wadankaas. Tehran ayaa wada xaajood ay Washington la gasho shuruud kaga dhigtay xayiraada oo la qaado.

Isu soo dhowaanshiyaha aan hubantida badan lahayn ee Sacuudiga iyo Iiraan ayaa meesha ka saareysa isku dhac milatari oo dhinacyadda dhexmara, wallow aanan si dhab ah loo ogayn waxa daaha gadaashiisa ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM