Sacuudiga oo lagu marqaati furayo weerarkii daaraha mataanaha

Image

WASHINGTON, US – Ninka ku eedeysan in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii daaraha mataanaha ee dhacay 11-kii September sanadkii 2001-dii, ayaa "ogolaaday" in uu garab-siiyo dhibaneyaasha dhacdadaasi.

Khaliid Sheekh Maxamed oo sanadkii 2013-kii laga soo qabtey waddanka Pakistan ayaa tan iyo waqtigaasi wuxuu ku jiraa xabsiga Mareykanku maamulo ee ku yaala waddanka Cuba ee Guantanamo Bay.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa ku waramaya in Khaliid uu aqbalay in uu ku martiqaati furo Sacuudiga, oo lagu eedeeyay in uu door ku lahaa weerarkaasi oo galaaftay ku dhowaad saddex kun oo ruux.

Dhinaceeda, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale eedeysanaha uu albaabada u furay in uu kala caddeeyo hadii Mareykanka uu ka caga jiidayo inuu isaga ku xukumo dil toogasho.

Sheegashooyinkan ayaa waxaa lagu xusay qoraalo ay Maxkamad ku taala waddanka Mareykanka u gudbiyeeen Qareen matalaya shaqsiyaad iyo ganacsato magdhow ka doonaya Sacuudi Carabiya.

Xukuumadda Riyadh ayaa dhowr jeer gaashaanka ku dhufatay in ay ku lug-lahayd weeraradii 2001-dii, kuwaasi oo loo adeegsaday diyaarado lasoo afduubtay oo lagu burburiyay dhowr xarumood oo New York ku yaala.

Baraha lagu burburiyay diyaaradaha ayaa kala ah; dhismaha Xarunta Ganacsiga Caalamka, guriga Wasaarada Difaaca Mareykanka ee Pentagon oo ku yaala duleedka Washington, iyo xarunta is-maamulka Pennsylvania.

Shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda musiibadaasi oo noqotay mid kamid ah kuwii ugu dhimashadda badnaa taariikhda casriga ah ee ka dhaca guud ahaan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM