Sacuudiga oo shaaciyey "caddeymaha weerarkii keydka shidaalka"

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Wasaaradda Difaaca Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay burburka wax ay ku sheegtay Gentaaladii iyo diyaaradihii drones-ka ee weeraray keydka shidaalka dalkaasi.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa shaaciyey in 18-diyaarado aan duuliye lahayn iyo todoba gentaal oo si toos ah uga yimid Yemen ay qaarkood ku dhaceen xarunta.

Falaagada ay Iiraan barataarto ee Xuutiyiinta ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda falkan aduunka gilgilay.

Iiraan ayaa iska fogeysay in ay wax kaalin ah ku lahayd weerarka, waxayna ka digtay aargoosi walba oo ka dhan ah milatarigeeda.

"Shaki la'aan waxaa weerarka maalgelisay Iiraan," ayuu yiri afhayeenka oo warbaahinta caalamka la hadlay Arbacadda maanta ah.

Turki al-Malki ayaa soo bandhigay Iranian UAV, oo ah diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn, iyo hub kale oo ku rakibnaa diyaaraddaha.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey in diyaaradaha ay kasoo duuleen xeradda Abqaiq; halka sawaariida beegsigoodu ahaa Khurais.

"Saddex kamid ah garneeladda waa ay seegeen bartilmaameedyadooda," ayuu hadalkiisa raaciyey afhayeenka, oo aan kala caddeyn talaabadda xigta oo ay qaadayaan.

Isaga oo warbaahinta tusinaya muuqaalka sawaariiq ku dhacay Abqaiq iyo qariirad ay ka muuqdaan sawiradda burburka, Mr Malki ayaa wuxuu xusay in Gantaaladda ay ka yimaadeen jidaha waqooyi.

"Ma hayno caddeymaha halka laga soo gannay, balse waxaan ku shaacin doonaa shir saxaafadeed kale," ayuu tibaaxay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa wuxuu Arbacadda maanta ah ku dhawaaqay in uu isku dabaridi doono "cunaqabateyn culus" kana dhan ah Iiraan kadib gulufkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa kusii jeeda Sacuudi Carabiya, si uu ula kulmo Boqor Salmaan wiilkiis, dhaxal-suge Maxamed bin Salman, iyaga oo kawada xaajoonaya qadiyaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM