Sacuudiga oo xaraashey dhsimihii lagu khaariyey Jamal Khashoggi

Image

ANKARA, Turkey - Sacuudi Carabiya ayaa iibiyey dhismihii fariisinka u ahayd howlgalkiisa diblumaasiyadeed ee Istanbul, halkaasi oo sanadkii hore lagu dhex-dilay wariye Jamal Khashoggi, sida ay wararku sheegayan.

Sidda laga soo xigtay muuqaal-baahiyaha Habeturk TV, dhismaha, oo ku yaala xaafadda ay madaxdu degto ee Levent, ayaa la beeciyey bil kahor, iyadda oo aanan la shaacin shaqsiga iibsaday iyo qiimaha.

"Dhismaha cusub ee Qunsulyadda ayaa waxaa durba laga iibiyey degmadda Sariyer, halkaasi oo ay sidoo kale ku taalo Qunsulyadda Mareykanka," ayaa lagu yiri warbixin uu sii daayey telefishinkaas.

Mas'uuliyiinta Boqortooyadda Sacuudiga ayaa waxaa la sheegay in ay u baahdeen ogolaanshiyo ay ka helaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga kahor inta aysan xaraashin hantidaas.

Sikastaba ha ahaatee, mas’uul ka tirsan xukuumadda fadhigeedu yahay Ankara kaasi oo aanan magaciisa la shaacin ayuu jaraa’idka Middle East Eye kasoo xigtay in aysan waxba kala socon iibintaas.

Khashoggi, qoraa ka tirsanaa wargeyska Washington kuna noolaa Mareykanka ayaa dhismaha Qunsulyadda u galay October 2, 2018, si uu uga soo qaato qoraalo ku aadan aqal-gal uu qorsheynayey kahor dilkiisa.

Warbaahinta Turkida ayaa ku warameysa in jirka saxafiga la baabi'iyey iyadda oo la adeegsanayo kiimiko, wallow ay tibaaxeen la hayo haraadiga kuwaasi oo dareeraha kiimikaga aanan ku milmin.

Tv-ga Al Jazeera ayaa illo wareedyo uusan magac-dhabin kasoo xigtay in caddeymo la hayo ay muujinayaa in haraadiga ay yaaliin goob ku dhowaad 300 KM u jirta dhismaha Qunsulyadda.

Saraakiil ka socotay Sacuudiga oo tegay Turkiga waxyar kadib dilkii Khashoggi ayaa warbixin farsamo oo ay soo saareen ku sheegay in aysan soo saari karin boorsooyinka ku jira qunsulyada, loona baahan yahay guri cusub.

"Sacuudiyiintu waxay kaloo isku dayeen in ay xaraashaan xafiiska guud ee qunsulyadda, kaasi oo ku dhow qunsulyadda, balse wali aysan helin cid-daneynaysa," ayuu Habeturk TV raaciyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM