Shan qof oo lagu helay dilka Jamaal Khashoggi oo la xukumay

Image

RIYADH, Sacuuci Carabiya – Dacwad-oogaha guud ee Sacuudiga ayaa Isniinta maanta ah shaaca ka qaadey in dil toogasho lagu xukumay shan qof oo lagu helay dilkii wariye Jamaal Khashoggi.

Saddex kale ayaa lagu ridday xukuno xabsi ah, wallow aan loosoo bandhigin warbaahinta mudada ama sanadka.

Saud al-Qahtani, oo ah lataliye sarre oo ka tirsanaa Boqortooyadda, ayaa lagu sameeyay baaritaan ku saabsan kiiskan, balse waa lasii daayey kadib markii lagu waayey wax dambi ah.

Khashoggi oo deganaa Mareykanka mucaarad-na ku ahaa dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa bishii October lagu dhex-dilay Qunsulyada Sacuudiga ee Istanbul.

Qoraagaan ka tirsanaa wargeyska Washington Post ayaa dilkiisu sababay carro caalami ah, waxaana Qaramadda Midoobay ay sheegtay in jirkiisa la jar-jaray.

Sirdoonka Turkiga oo si qoto dheer u baarey khaarijinta Jamal ayaa ku adkeystay in xukuumadda Riyadh ay soo abaabushay dilkiisa. Hase ahaatee, Boqortooyadda Sacuudiga way beenisay.

Baare gaar ah oo ka tirsan Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa ku talisay in Bin Salmaan lagu sameeyo baaritaan gaar ah oo ku aadan in uu kaalin ku lahaa maadaama uu jiro tuhun badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM