Senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Mareykanka oo geeriyooday

Image

WASHINGTON, US – Mudane ka tirsan xubnaha xisbiga dimoqraadiga ku metela Aqalka Sarre ee Mareykanka, Elijah Cummings, kaasi oo aad ugu lug-lahaa mooshinka xilka ka qaadista Trump, ayaa dhintay isaga oo 68-sano jir ah.

Xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday in uu u geeriyooday max-suulka "dhibaato caafimaad oo in muddo ah uu la il-darnaa".

Gudoomiyaha Guddiga Kormeerka iyo Dib u habeynta Xukuumadda ee Golaha Wakiilada Mareykanka, ayaa isku dabariday baaritaano ka dhan ah maamulka Trump.

Loolanka liddiga u ah siyaasadaha daryeelka caafimaadka iyo socdaalka ayuu sidoo kale safka hore kaga jiray Elijah Cummings.

Xubno dhowr ah oo kamid ah xeer-dejinta Mareykanka ayaa tacsi u diray eheladda, iyaga oo ku bogaadiyey kaalintiisa dowladnimada.

Horaantii sanadkan, iyadda oo lagu guda jiray dood ku saabsan qabashada soo galootiga, Mr Cummings ayaa duray Sii-haayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kevin McAleenan, isaga oo ku sifeeyay "mid aanan naxariis-laabe ah".

Trump oo todobaad kadib ka fal-celiyay hadaladaas ayaa Xildhibaanka ku tilmaamay "jiir [dooli] xanaaqsan oo madax kuusan leh".

Sharcidejiyeyaal kala duwan oo kamid ah xisbiga diqmoraadiga kuwaas oo u muuqda in ay taageero weyn u muujinayaan Elijah Cummings ayaa erayadda kasoo yeeray Trump waxay ku qeexeen kuwa ku dheehan "cunsuriyad".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aanka Trump oo Laga Digay inuu Keeni Karo Khasaaro Ba’an

Saameynta ugu weyn ayaa la arkay cudurrada la iska hortegi karo sida HIV/AIDS oo dhimashadiisu hoos ugu dhacday 74%.

  • Caalamka

    01-07-2025

  • 05:21PM

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM