Shan qof oo hal qoys kasoo jeeda oo ku dhintay shil diyaaradeed

Image

MEXICO CITY, Mexico – Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku naf-weysay markii shil diyaaradeed uu ka dhacay waqoyga dalka Mexico, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Shan kamida dadka geeriyooday ayaa kasoo jeeda hal qoys xili wadarta guud ee saarneed diyaarada burburtay ay gaareysay 13 qof.

Dhibanayaasha ayaa kasoo laabtay ciyaar feer ah oo ay kusoo daawadeen magaaladda Las Vegas ee dalka Mareykanka.

"Diyaarada oo sumadeedu ahayd Challenger 601, taasi oo si gaar ah loo leeyahay waxaa ay ku dhacday degmada Ocampo," ayuu yiri maamulka Coahuila.

Lama hubbo waxay sababay shilka, balse waxaa dhowaanahaan jirtay digniin dhinaca cilimada ah oo loo dirayey diyaaradaha.

"Burburka diyaarada oo kaliya ayaa la arkay ma jirto cid ka badbaaday," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlad goboleedyadda Coahuila.

Saraakiisha gobolka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qaraabada marxuumiinta, si gaar ah reerkii ay ka baxeen shanta qof ee isku qoyska ahaa.

Sikastaba ha ahaatee, shirkadda Bombardier Inc oo lahayd diyaaradda shilkaasi gashay ayaa rajeyneysa in baaritaano dheeraad ah oo lagu sameeyo waxay dhaliyey dhacdada ay xaqiiqada soo saari doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM