Shirkada Trump oo xaflad ka baajisey koox ku caan baxday Islaam-naceybka

Image

WASHINGTON, US – Shirkadda guryaha ee madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in aysan martigelin doonin munaasabad ay qorsheysteen koox ku caan baxay Islaam-naceybka.

Xafladda oo bisha dambe la qorsheeyay ayaa ka qabsoomi lahayd goobta loo dalxiis tago ee Mar-a-Lago oo uu leeyahay madaxweynaha Mareykanka.

Mar-a-Lago oo malaayiin ruux ay u damaashaad tagaan sanad walba ayaa ku taala gobolka Florida ee waddanka Mareykanka.

Go’aanka baajinta ayaa yimid kadib markii warbaahinta ay aad ugu dhaleeceysay Ururka Trumo talaabadda uu qaadayo.

ACT for America ayaa ah ururka ugu weyn ee Islaam-naceybka Mareykanka. Munaasabadooda oo sanadle ah ayaa loo muddeeyay 7-da November.

"Dabaaldega marnaba kama dhici doono Mar-a-Lago," ayuu yiri afhayeen u hadlay Trump Organisation oo wareysi siiyey Tv-ga CNN.

Golaha Muslimiinta Mareykanka ayaa sheegay in warka kasoo baxay shirkadda Trump in uu yahay mid mudan in lasoo dhaweeyo.

"Waxay dhab ahaantii kasoo horjeedaa Dastuurka Mareykanka la maalgeliyo urur naceyb ka shaqeynaya," ayuu u sheegay The New York Times.

Munaasabadda oo waqti xaadirkan laga saarey mareega [website-ka] ACT for America ayaa tikidhada lagu galayo waxaa qiimahoodu yahay $1,500.

Tikidhada ayaa badankooda la iibsaday. Hubanti la'aan ku aadan in ay baaqato ayaa soo ifbaxeysa, wallow ay durba bilaabeen baadigoobka meelo kale.

Shirkadda guryaha ee Trump ayaa horey waxay ula kulantay dhaliilo aad u culus sababo ku aadan martigelinta munaasabado hoos u dhigaya sumcadda madaxweynaha Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM