Siyaasi isku dayey in uu gubo Masjid oo shaaciyey sababta ku kaliftay

Image

PARIS, France – Dacwad oogeyaasha Faransiiska ayaa ka fekeraya xukunka lagu ridi doono siyaasi qirtay in uu isku dayey in uu gubo Masjid.

Claude Sinké, oo 84-sano jir ah, ayaa wuxuu falkan sameeyay galabnimadii Isniintii todobaadkan kahor inta uusan u gacan-gelin booliska.

Hay'addaha Nabad-gelyadda ayaa qabtay shaqsigan oo rasaas uu Masjidka ku furay ay ku dhaawacmeen laba Muslimiin cibaadeysaneysay.

Bukaanadda oo Isbitaal loola cararay ayaa haatan ah kuwa bad-qaba, waxayna kasoo kabanayaan nabaradda kasoo gaarey falkan.

Sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah, Sinké ayaa falkan ugu dhaqaaqay si uu ugu aar-gudo kaniisadii April ku gubatay Paris.

Gubashadda kaniisadda Notre Dame Cathedral ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Muslimiinta, wallow uusan soo bandhigin caddeymo.

Masjidka uu isku dayey in uu dabka qabad siiyo ayaa ku yaala magaaladda Bayonne oo ku taala Koonfur Galbeed ee dalka Faransiiska.

Sikastaba, Claude Sinké, oo caan ka ah qayb kamid ah France, ayaa horey wuxuu murashax ugu soo noqday xisbiga xagjirka ah ee National Front.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM