Siyaasi u tartarmaya jago ra'iisul wasaare oo furaya xaaskiisa labaad

Image

LONDON, UK – Bileyska ayaa xaqiijiyey in uu wicitaan ka helay guriga Boris Johnson, siyaasiga ugu cad-cad in uu noqdo ra'iisul wasaaraha xiga ee UK kaasoo bedali doono Theresa May oo shaqada ka tagtay.

Wicitaankaasi ayaa wuxuu ka dambeeyay markii deriska ay maqleen dhawaqa muran xoogan oo u dhaxeysan Johson iyo lamaantiisa.

Booliska ayaa shaaciyey in koonfurta London laga soo wacay aroortii Jimcaha, halkaasi oo ay kuwada nool-yihiin Johson iyo saaxiibtiis Carrie Symonds.

"Qofka nasoo wacay wuxuu muujiyey walwal badan. Balse markii aan tagtay goobta ma jirin wax dambi ah. Jawigana wuu xasiloonaa," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Bileyska London.

Afhayeenka Johnson ayaa wuxuu ka goos-adeegay dalabyo kala duwan oo ku aadan in uu ka hadlo dhacdadan.

Geesta kale, warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in Boris Johson uu furayo xaaskiisa labaad, Marina Wheeler.

Johson iyo Marina Wheeler ayaa waxay nolosha wadaagayeen muddo 25-sano ah, iyada oo aanan la ogeyn sababta ka keentay kala tagooda.

Dhacdadan reerka siyaasigan ayaa lasoo wariyey saacado kadib markii loo magacaabey in uu u tartamayo wareega kama dambeysta ee xilka ugu sareeya Boqortooyadda Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM

Xiisada Mareykanka iyo Canada oo sii xoogeysatay

War uu ku qoray bartiisa Truth Social, Trump ayaa Canada ku tilmaamay "waddan aad u adag marka la eego ganacsiga"

  • Caalamka

    28-06-2025

  • 11:18AM