Somaali wasiirnimo sheegtay oo dambiyo waaweyn lagu soo oogay

Image

WASHINGTON, US – Muwaadin Soomaali-Ameerikaan ah kaasoo loo haystay dambiyo aad u waaweyn ayaa waxaa loo diiday in damaanad lagu sii daayo.

Cabdi Yuusuf Xasan ayaa waxaa dalabkaasi ka diiday maxkamad heer federaal ah oo ku taala degmadda Brooklyn ee magaaladda New York, dalka Marekanka.

51-sano jirkan ayaa loo haystaa in uu qayb ka ahaa fal burcad badeednimo oo lagu qafaashay wariye Mareykanka ah, kaasoo muddo lagu haystay Soomaaliya.

Saxafiga oo aanan gal-dacwadeedka lagu shaacin magaciisa ayay warbaahintu ogaatay in uu yahay Michael Scott Moore, oo ah Germany-Ameerikaan.

Sidoo kale, eedeysanaha ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad ah kufsi uu kula kacay gabar dhowr iyo toban sano jir ah, taasoo aanan la magacaabin.

Moore oo ugu dambeyntii helay xorriyadiisa 2014-kii ayaa waxay kooxda afduubatay ay shuruud ka dhigtay sii deyntiisa madax furasho dhan 20 milyan.

Xasan ayaa si lamid ah waxaa lagu waramayaa in uu ahaa turjumaankiisa dableyda ficilka sameysay iyo ninka gacantiisa kusoo qoray warqadda codsiga.

Qoyska war-doonka ayaa qasbanaaday in ay bixiyaan aduun lacageed dhan 1.6 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, si wiilkooda banaanka u yimaado.

Dacwad oogeyaasha ayaa waxay ku adkeysanayaan in ay hayaan caddeymo dambi-muujin oo ka dhan ah Cabdi, oo xiran tan iyo bilowgii sanadkan.

Hasa ahaatee, qareenadiisa ayaa waxay qashinka ku dareen dhamaan eedeymaha, waxayna sheegeen in kalyeentigooda uusan wax dambi ah gelin.

Sidda ku xusan warqadda cabashadda, Xasan oo laga xiray Minneapolis ayaa Mareykanka galay sanadkii 1990-kii, isaga oo ku laab-laabtay tirro dhowr jeer ah.

Sanadkii 2015-kii ayaa lagu waramayaa in uu u sheegay Waaxda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha in uu yahay wasiirkii ka shaqeeyay sii deynta wariyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM