Soomaali lagu helay dambi uu ciqaab adag ku muteysan karo

Image

WASHINGTON, US – Maxkamad ku taala degmada Woodbury ee hoostagta magaaladda New York, dalka Mareykanka, ayaa dambi ku heshay shaqsi Soomaali ah oo lagu eedeeyay dilka saaxiibkii.

Cilmi Saciid ayaa loo haystaa in uu Toorey ku khaarijiyey Guuleed Nuur, 23-ka bishii October ee sanadkii hore. Saciid wuxuu qirtay dambiga, balse waxa uu ku doodey in uu nafsadiisa difaacayey.

Maxkamadda ayaa u muddeysay in ay xukun ku ridi doonto Saciid 1-da bisha November 2019. Dambiga ku cadaadey oo ah in uu si kama' ah naf-ku-gooyey wuxuu ku muteysan karaa tooban sano oo xabsi ah.

Sidda ay qareenadiisa u sheegeen maxkamadda, Saciid ayaa wuxuu nolosha u dhaafiyey Nuur kadib markii ku murmeen Cunto iyo Qamri.

Nuur ayaa waxaa lasoo warinayaa in markii loo diiday in la siiyo Cuntada iyo Qamriga uu Saciid dharaar cad ugu doodiyey in uu dili doono.

"Maalmo kadib muranka, Kijadda ayuu aadey wuxuuna soo laabtey isaga oo wax gacanta ku sita, balse wuxuu ahaa mid aad u cabsan, mana kala aqoon waxa uu sameynayo," ayay u sheegeen xeer-beegtadda.

Faduumo Cabdi, marwadii hore ee Saciid oo u sheegtay garsooreyaasha in seygeedii hore uu si xad-dhaaf ah u isticmaalo Qamriga marka uu shaqada ka yimaado ayaa dhacdada kadib ka carartay hoyga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM