Soomaali loo haysto dilka saaxiibkii oo la maxkamadeynayo

Image

WASHINGTON, US – Muwaadin Soomaali ah ayaa lagu wadaa in Talaadada soo aadan maxkamadda lagu soo taago gobolka Lowa ee waddanka Mareykanka.

Cilmi Saciid ayaa loo haystaa dilka shaqsi la sheegay in ay saaxiibo ahaayeen, kaasi oo uu ku khaarijiyey Mindi [Toorey] bishii lasoo dhaafay ee October.

Marxuumka ayaa la tilmaamay in ay hal qof wada degnaayeen Cilmi. Eedeysanaha wuxuu laba jeer ka been-sheegay magaciisa, sida laga soo xigtay dacwad-oogeyaasha.

Aqoonsigiisa ayaa waxaa la sheegay in uu ugu qornaa magaca Cabdiqadar Shariif, balse kolkii dambe uu boolisku ogaadey in la yiraahdo Cilmi Saciid.

Dacwadda dilka ee lagu soo eedeeyay oo ah tan heerka labaad ayaa waxa uu ku muteysan karaan xukun ka koban shan sano oo xabsi ah.

39-sano jirkan ayaa booliska u sheegay in uusan ku talogal ka ahayn, balse sheegashadaasi waxaa ku gacan-seyray xeer-ilaalinta.

Sikastaba ha ahaatee, maxkamadeynta ruuxan oo heer gaba gabo ah mareysay ayaa la filayaa in go’aankeeda uu muddo qaato.

Soomaalida qaxooti ahaan Mareykanka ku degan gaar ahaan dhalinyaradda oo shaqo la’aan ay hareysay ayaa sababta in ay ku kacaan fal-dambiyeedyo culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM