Soomaali xil ka haya Finland oo "fadeexad" ay kusoo baxday

Image

HELSINKI, Finland – Shaqsi asal ahaan u dhashay Soomaaliya kaasoo jago muhiim ah ka haya dalka reer Yurub ee Finland ayaa wajahaya go'aan qaadasho ka dhan ah isaga markii ay kusoo baxday fadeexad.

Cabdiraxmaan "Husu" Xuseen ayaa waxaa ku cadaatay in uu sheeko been abuur ah ku jahwareeriyay bulshadda waddankaas.

Xuseen, oo qirtay in uu been sheegay, ayaa xubin ka ah Golaha Degaanka magaaladda caasimadda ah ee Helsinki.

Sheekadda oo Xuseen uu ku faafiyey baraha bulshadda ayaa ahayd in darawal gaari Taksi oo uu la socdey uu faquuqay isla markaana uu u sheegay in dib ugu laabto dalkiisa si uu u badbaadiyo.

Baaritaano iyo su'aallo waydiimo la hordhigay darawalka ayaa waxaa kasoo baxday in ay sheekadaas tahay waxbo kama jiraan.

Husu oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska Helsingin Sanomat ayaa yiri: "Markii aan soo bandhigayey sheekadda waan careysanaa".

Gudoonka Golaha Degaanka oo shir degdeg ah isugu yeeray mudaneyaasha ayaa talaabada Xuseen ku qeexay "mid meel ka dhac ah ku ah xilka uu hayo iyo kalsoonida cod-bixiyeyaasha".

"Waxaan raaligelin ka bixinayaan ficilka iyo beenta aan sheegay. Waxaan diyaar u ahay in aan qaato cawaaqibka iyo go’aan kasta oo ay gaaraan Guddiga Anshaxa ee Golaha," ayuu hadalkiisa ku daray Cabdiraxmaan.

Joornaalka Helsingin Sanomat ayaa tilmaamay in baaritaanka lagu saleeyay caddeymo ay kamid yihiin muuqaallo ay duubeen Kaamirooyinka qarsoon ee wadooyinka.

Dhacdadan ayaa noqotay mid kamid ah mawduucyadda loogu hadalheynta badan yahay Finland, waxaana aad isha loogu hayaa go’aanka ay Guddiga Anshaxa Golaha Degaanka ka qaataan ficilka uu sameeyay Xuseen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM