Sri Lanka oo amar kusoo rogtay dumarka Muslimiinta kadib qaraxyo

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Dowladda Sri Lanka ayaa gebi ahaanba mamnuucday dharka ay dumarka isku dedaan si aan jirkooda loo arkin ee loo yaqaano Burqas-ka.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in sababta ay tahay in uu halis ku yahay amaanka iyo shacabka wadankaasi.

Tani ayaa ka dambeysay markii qaraxyo ay gil-gileen wadankaasi ay ku naf-waayeen in ka badan 300 ruux oo Masiixiyiin ah.

Go’aanka uu madaxwaynaha dalkaasi soo saarey ayaa guud ahaan Sri Lanka ka dhaqan-galaya maanta oo Isniin ah.

Booliska ayaa sheegaya koox mitidiin maxali ah ay ka dambeyso weeraradaasi xili Daacish ay qayb ka sheegatay.

Tan iyo markii uu dhacay falkaasi waxaa Sri Lanka la geliyay xaalad degdeg ah, iyadda oo socdeen howlgalo lagu beegsanayo dadka laga shakisan yahay.

Jimcadii Booliska oo ku duulay hoyga mid kamida raga is-qarxiyey ayaa toogasho ku dilay Aabaha iyo laba wiil oo la dhalay Is-miidaamiyaha.

Ururadda u dooda Muslimiinta ayaa ku tilmaamay amarka madaxtooyada mid lagu beegsanayo dad gaar ah, iyagga oo cambaareeyay.

Dalka Sri Lanka ayaa waxaa ku badan dadka haysta diinta Budhiistaha xili Muslimiinta ay ka yihiin 9.7% waana bulshada ugu yar ee halkaasi ku dhaqan.

Burqas-ka waa nooc kamida dharka ay dumarka Aasiya xirtaan, kaasi oo kaliya indhahooda laga arkayo, iyadda oo inta kale oo jirkooda kamida uu daahsoon yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM