Taliye Boolis oo diiday inuu u hogaan-samo codsi madaxweyne

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Pujith Jayasundara, taliyaha Booliska Sri Lanka ayaa lagu waramayaa in tan iyo Jimcadii uu diidan yahay in uu is-casilo.

Codsiga is-casilaada ayaa ka yimid madaxweynaha dalkaasi, Maithripala Sirisena, kaasi oo magacaabay ninkii bedeli lahaa Jayasundara.

Maithripala ayaa ku xigeenka taliyaha bileyska, Chandana Wickramaratne, ka dhigay sii haayaha xilka madaxa guud ee Booliska Sri Lanka.

Lama ogga sababta ku kaliftay Pujith Jayasundara in uu ku gacan-seyro dalabka madaxweynaha, wallow uusan wali ka hadlin.

Tani ayaan kusoo aadeysa iyada oo lagu eedeeyay Pujith Jayasundara in uusan fulin digniino dhinaca amaanka ah loo gudbiyey.

Digniinada ayaa ku saabsanaa weerarada Axadii gil-gilay Sri Lanka ee lagu dilay ku dhowaad 300 ruux oo u badan Masiixijiin cibaadeysaneysay.

Todobadkii lasoo dhaafey ayay ahayd markii Wasiirka Gaashaandhiga, Mr Hemasiri Fernando, uu isku casilay kadib dalab uga yimid madaxweynaha.

Hemasiri ayaa xafiiska u baneeyay fashil amni iyo in ay ku guuldareysteen helitaanka xogta qaraxyadaasi ay dusha saaratay kooxda Daacish.

Sri Lanka ayaa lagu soo rogay xaalad degdeg ah tan iyo weeraradii dadka badan lagu khaariyay, iyadda uu howlgalo la sameeyay lagu soo qabtay 150 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM