Tirada dadka uu Sacuudiga dil toogasho ku fuliyey kaliya sanadkan

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Warbixin naxdin leh oo loo bandhigay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 134 qof, oo lix kamid ah ay caruur yihiin, lagu toogtay Sacuudi Carabiya kaliya sanadkan.

Qormadda oo lagu soo bandhigay xarunta Hay’adda UN-ka ee Xuquuqul Insaanka, soona saartay Baroness Helena Kennedy QC, ayna marti gelisay The Death Penalty Project ayaa codsi lagu gudbiyey.

Dadka la khaarijiyey oo isugu jira siyaasiyiin caan ah, wadaado iyo xubno difaaca xuquuqda aadanaha ayaa la tibaaxay in sidoo kale ay la kulmeen jirdil iyo maxkamaddeyn aan cadaalad ahayn.

"24 kale oo lix kamid ah ay caruur yihiin ayaa hadda khatar ugu jira in dil toogasho lagu fuliyo," ayaa lagu yiri faaladda.

Dhaxal-sugaha, Maxamed bin Salmaan Cabdel Casiis, ayaa waxa uu horey balanqaadey in uu hoos u dhigi doono tiradda sii kordheysa ee toogashada.

"37 shaqsi oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha siyaasadda ayaa si wadajir ah loo toogtay 23-kii April 2019-ka kadib xariga muddo dheer, jirdil iyo maxkamadeyn cadaalo darro ah," ayey qeexday.

Hogaamiyeyaasha caalamka ayay ku booriyeen in ay qaadaceen in Sacuudigu marti geliyo shirka dalalka hodanka ah ee G20-ka, kaasi oo sanadka dambe 2020-ka lagu wado in uu dalkaasi ka qabsoomo.

Sanadkii 2018-kii, Sacuudiga ayaa toogtay 149 ruux; 46 kamid ah dilkooda waxa uu dhamaadka sanadihii sababay xiisad.

"Iyadda oo 46-ka la khaarijiyey iyadda oo ay soo kordhayeen digninadda, 24-ka haatan qarka u saaran waxay isugu jiraan siyaasiyiin caan ah, wadaado iyo xubno difaaca xuququda aadanaha," ayaa lagu xusay.

Sidda uu xeerinayo sharciga caalamiga ah, waa sharci darro hadii qof ka hooseeya da'da 18-sano jir garka loo geliyo xukun dil toogasho ah.

Kennedy oo walaac ka muujisay qaabka dunida lagu shaaciyey dilka Jamal Khashoggi ayaa sheegtay "Waa ayaan darro in aanan lasoo shaac bixin tacadiyada ka dhanka ah aadanaha ee ka dhaca gudaha Sacudiga".

Saxafigan ka tirsanaa wargeyska Washington Post isla markaana ahaa Qurbe jooge Sacuudiyaan ah ayaa lagu dhex-dilay gudaha Qunsulyadda xukuumadda Riyadh ee Ankara, dalka Turkiga.

Gabagabadii, waxay carabka ku adkeysay in dilalka toogashada sii baahaya loo arki karo "kuwa baalmarsan sharciga" isla markaana warbixintooda ay dunida indhaha caalamka tusin doonto "tacadiyada Sacuudiga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM