Tiradda Soomaalida ee 2018-kii dhalashada laga siiyey Finland

Image

HELSINKI, Finland – Xog uruurin cusub oo ay soo bandhigtay dowladda Finland ayaa lagu fahfaahiyey tiradda ajaaniibta dalkaasi dhalashada ka helay 2018-kii.

Soomaalida dhulkooda hooyo uga tegay si ay nolol wanaagsan u helaan ayaa kamid noqday shisheeyaha ugu badan ee dib u dejinta joogtada hantay.

Marka laga hadlo tiradda guud ayaa waxay gaareysaa 9,211. Tani waxay ka hooseysaa sanadkii kasii horeeyay 2017-kii oo ahaa 12,219.

Isku cel-celis ahaa dadkaasi ayaa waxay da'dooda u dhaxeysaa 28, kuwaasi oo 4,876 dumar yihiin; 4,335 waa rag.

Sidda ku xusan warbixinta, Soomaalida wadankaasi dhalashada ka helay sanadkii hore, ayaa waxay tiradoodu tahay 856 shaqsi.

"97% dadka codsiyadooda la aqbalay [ee dhalashada helay] waxay sii haystaan dhalashooyinkoodii hore," ayay warbixintu tiri.

Dhamaadka sanadkii hore 2018-ka, waxaa la diiwaan-geliyay 126,000 oo helay deganaanshiyo rasmi ah ay haystaan laba dhalasho.

Wadar ahaan 21,757 waxay ku dhasheen Finland, halka 104,086 oo kamid ahna ay ka yimaadeen wadamo kale kadibna la siiyey Baasaboorka.

Ugu dambeyntii, kooxaha ugu badan ee labada dhalasho gacanta ku haysta ayaa waxay kasoo kala jeedaa qaramadda; Ruushka, Sweden iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM