Tiradii "ugu badneyd" dad isku qoys ah oo ku dhintay shil gaari

Image

ABU DUBAI, UAE - Ugu yaraan 17 ruux oo isku qoys ah ayaa ku dhimatay, tirro kalena way ku dhaawacmeen markii shil gaari ay ku galeen magaaladda Abu Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta.

Sidda uu sheegay booliska, 13 kamid ah dadkaasi geeriyooday ayaa la xaqiijiyey in ay kasoo wada jeedeen hal qoys waxayna gebigoodba saarnaayeen hal gaari oo bas ah.

Dadkaan ayaa ku guda jiray dabaaldega munaasabadda Ciidul Fidriga, taasoo ay haatan u muuqato in ay isku bedashay murugo.

Tiro dad ah oo ka badbaaday musiibadani oo tobanaan gaaraya ayaa ALLE u mahadceliyey, iyaga oo ka sheekeeyay xusuuso naxdin leh.

Laba iyo tobban kamida dadka geeriyooday ayaa kasoo jeeda Hindiya halka mid kale uu u dhashay waddanka Pakistan, iyado tirada kale aanan wali la aqoonsan.

Shilkaan ayaa noqonayaa mid kamida kuwii ugu foosha xumaa ee soo mara taariikhda waddanka Imaaraadka Carabta, kaasoo sanad kasta ay u dalxiis tagaan malaayiin ruux oo caalamka isaga kala yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM