Tobanaan ruux oo ku naf-waayey dab qabsaday dhisme ku yaala India

Image
Image
Image

NEW DELHI, India – Dab culus oo qabsaday dhismaha shirkad farsameysa Boorsooyinka oo ku yaala caasimadda India ee New Delhi ayaa dilay 43 shaqaale, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Booliska ayaa shaaca ka qaadey in dabka uu ka kacay afar bakhaar, subaxnimadii Axadda maanta ah.

Ugu yaraan 100 ruux ayaa markii uu dabka kacayey jiifay gudaha shirkadda, oo aalaaba farsameysa Boorsooyinka dugsiyadda.

In ka badan 60 qof oo kamid ah shaqaalaha shirkaddan ayaa la sheegay in lasoo badbaadiyey iyaga oo aan waxba soo gaarin.

Ra'iisul wasaare Narendra Modi oo dhacdadaan ku sifeeyay "mid argagax leh" ayaa tacsi u diray eheladda dadka ku nafwaayey musiibadda.

Dab-damiska New Delhi ayaa sheegay in saacado badan kadib ay ku guuleysteen in ay damiyaan dabka.

Magaalooyinka India ayaa waxaa xiliyadda qaar ka kaca dab xoogan, iyadda oo sababta lagu sheego in uu hooseeyo shuruucda lagula xisaabtamo badqabka shaqaalaha shirkadaha waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo qorsheynaya duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran kaddib doorashada Mareykanka

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay socon karaan dhowr maalmood, iyadoo ciidamada Mareykanka ay diyaarinayaan hubka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 11:30AM

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM