Tobanaan ruux oo ku naf-waayey dab qabsaday dhisme ku yaala India

Image
Image
Image

NEW DELHI, India – Dab culus oo qabsaday dhismaha shirkad farsameysa Boorsooyinka oo ku yaala caasimadda India ee New Delhi ayaa dilay 43 shaqaale, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Booliska ayaa shaaca ka qaadey in dabka uu ka kacay afar bakhaar, subaxnimadii Axadda maanta ah.

Ugu yaraan 100 ruux ayaa markii uu dabka kacayey jiifay gudaha shirkadda, oo aalaaba farsameysa Boorsooyinka dugsiyadda.

In ka badan 60 qof oo kamid ah shaqaalaha shirkaddan ayaa la sheegay in lasoo badbaadiyey iyaga oo aan waxba soo gaarin.

Ra'iisul wasaare Narendra Modi oo dhacdadaan ku sifeeyay "mid argagax leh" ayaa tacsi u diray eheladda dadka ku nafwaayey musiibadda.

Dab-damiska New Delhi ayaa sheegay in saacado badan kadib ay ku guuleysteen in ay damiyaan dabka.

Magaalooyinka India ayaa waxaa xiliyadda qaar ka kaca dab xoogan, iyadda oo sababta lagu sheego in uu hooseeyo shuruucda lagula xisaabtamo badqabka shaqaalaha shirkadaha waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM