Toogasho ay dad ku geeriyoodeen oo ka dhacday New York

Image

WASHINGTON, US – Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay markii toogasho ay ka dhacday goob ku taala magaaladda New York, sidda ay sheegeyso warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka.

Toogashadda oo Sabtidii lasoo wariyey ayaa ka dhacday Brooklyn. Tirro aan la cayimin ayaa ku dhaawacmay.

Taliska Booliska oo baaritaan bilaabay ayaa nan kala caddeyn waxay ahayd meesha ay wax ka dhaceen.

Illaa iyo haatan ma jiro tafaasiil dheeraad ah oo laga bixiyey falkan. Mana jirto cid lala xiriirinayo oo lasoo xiray.

Goobta dhacdada laga soo tabiyey ayaa xaaladeeda waxay kusoo noqotay si caadi ah, wallow kolkii hore ay ahayd mid jahwareer gashay.

Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa aad ugu soo kordhayey toogashooyinka oo wejiyo kala duwan leh – qaar ay geystaan caddaanka xagjirka ah iyo argagixisadda.

Dadka dhaliilsan xukuumadda hadda jirta ayaa ku doodaya in kororka ay sabab u tahay nidaamka qaadashada hubka oo dabacsan, iyaga oo soo jeediyay in aad loo adkeeyo si amniga loo sugo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM