Madaxweyne Donald Trump oo u goodiyey dalka Iran

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin kulul u diray Iran isagoo ku hanjabay inuu burburinayo haddii ay soo weerarto Mareykanka iyo danahiisa Bariga Dhexe.

Fariin uu soo dhigay boggiisa Ttwitterka Axaddii shalay ayuu ku yiri Madaxeyne Trump “Haddii Iran ay dooneyso inay dagaalanto, waxey noqoneysaa dhamaadka Jirintaanka Iran.

Sadex maalmood ka hor, Trump waxa uu u muuqday inuu dib uga degay hadaladdii dagaal doonka ahaa ee Iran ka dhanka ahaa, isagoo sheegay inuu doonayo inuu Iran wadahadal la galo.

Mar uu wariye ku weydiiyay Aqalka Cad in Mareykanka uu dagaal ku qaadayo Iran iyo in kale, ayuu madaxweyne Trump ku jawaabay “ma rajeynayo”

Laakiin tan iyo markaa waxaa sii kululaaneysa xiisadda ka dhex oogan Mareykanka, saaxibadiisa gobolka iyo Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran.

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM