Trump oo ciidan u diraya Sacuudiga iyo UAE; Iran oo la cadaadinayo

Image

WASHINGTON, US - Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii shalay shaacisay inay ciidamo u dirayso gacanka Khaliijka kadib weerarkii Todobaakdii hore lagu qaadey goobo laga soo saaro saliida oo ku yaalla wadanka Sacuudiga.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in cunaqabateyn midi ugu adkayd oo dal uu saaro Mareykanka uu kusoo rogay Iran, oo lagu eedeeyay weerarkii Sacuudiga.

Waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa dib u cusbooneysiisay xayiraadda bangiga dhexe ee Iran, kadib markii saraakiil katirsan maamulka Trump ay sheegeen in duqeyntii loo geystay Sacuudiga horseeday sare u kac ku yimid qiimaha saliida suuqyada caalamka.W

Wasiirka difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa xusay in weerarkii Sacuudiga iyo soo ridistii diyaaradii drone-ka bishii June ay muujinayaan in Iran ay khatar ku tahay amniga gobolka Bariga Dhexe.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa sheegay in go’aanka ay ciidamada ugu dirayaan gobolka uu yimid kadib codsi uga yimid Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

“Iyadoo laga jawaabayo codsiga Sacuudiga, Madaxweynaha wuxuu bixiyay amar ah in ciidamo Mareykanka ah loo diro Sacuudiga iyo Imaaraadka si ay u difaacaan,” ayuu yiri Esper.

“Iyadoo laga jawaabayo codsiga Sacuudiga, Madaxweynaha wuxuu bixiyay amar ah in ciidamo Mareykanka ah loo diro Sacuudiga iyo Imaaraadka si ay u difaacaan,” ayuu yiri Esper. 

Trump ayaa bishii June bixiyay amar kagu weerarayo Iran kadib markii laga soo riday Mareykanka diyaarad drone ah, balse ka laabtay go’aankaasi daqiiqadii ugu dmabeysay.

Saudi Arabia ayaa Jimcihii soo bandhigtay in khasaaro xooggan uu kasoo gaarey weerarkii lagu qaadey xaruumaha ugu ballaaran ee saliida laga soo saaro oo ku yaalla Abqaiq iyo Khurais, iyadoo shirkadda Armaco ay hadda ka shaqeynayso dib uso celinta shaqada goobahaasi.Ab

qaiq ayaa lagu dhuftay 18 gantaal halka Khurais gantaal lagu garaacay, iyadoo duqeynta ay sababtay inuu dab xooggan uu qabsado xaruumahan oo lagu tilmaamay isha ugu weyn ee tamarta aduunka, oo saliid ceyriin ah laga soo saaro.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, balse Sacuudiga iyo Mareykanka ay tahunsan inay Iran ka dambeysay, maadaama duqeynta loo adeegsaday gantaallo casri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM