Trump oo eryay lataliyihiisii arrimaha amniga ee John Bolton

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka qaadey lataliyihiisa arrimaha ammaanka, John Bolton.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu Trump ku sharaxay sababta ku kaliftay in uu Aqalka Cad dibada uga saaro siyaasigan saameynta leh.

"Waxaan habeenkii hore ku wargeliyay in adeegyadiisii aanan looga baahneyn Aqalka Cad [guriga looga arimiyo dalweynaha Mareykanka]," ayuu yiri Trump.

Mas'uulka cusub ee bedeli doona Bolton ayaa waxaa la filayaa in lasoo magacaabo todobaadka soo aadan, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo ay soo xigatay warbaahinta.

Mr Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray: "Waxaan si xoogan isugu maandhaafnay arrimo badan oo uu iisoo jeediyay". Ma uusan shaacina arrinta.

Shaacinta madaxweyne Trump ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadda oo warar ay sheegayaan kala qeybsanaan xoogan oo soo kala dhex-gashay wasiirada Trump.

Kala qeybsananata ayaa lagu waramayaa in ay ka dhalatay kulankii uu baajiyey Trump, kaasi oo uu la lahaa hogaamiyeyaasha Taliban, kaasi oo qabsoomi lahaa isbuucan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM