Trump oo ka hadlay in Mareykanka doonayo in uu rido hogaanka Iiraan

Image

TOKYO, Japan – Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad daaha uga rogay in Mareykanka uusan dooneyn in uu rido hogaanka sare ee Iiraan.

Trump ayaa hadalkaan sheegay Isniinta maanta ah kadib shir laba geesood ah oo uu la yeeshay ra'iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe.

Maamulka Abe ayaa xusul-duub ugu jira in uu u kala dab-qaado dowladahaan ay xiisadooda tahay mid kasii dareysa.

"Ma dooneyno isbedel taliska ah, mana raadineyno hubka nuk-liyeerka," ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id isaga oo raaciyey "waan la heshiin doonaa Iiran".

Xiisada Washington iyo Tehran ayaa cirka isku sii shareertay markii Mareykanka uu ciidamo u diray gobolka bariga dhexe balse Trump ayaa meesha ka saarey khilaaf milatari.

"Cidna ma dooneyso in uu arko iyadda oo ay dhacayaan waxyaabo naxdin leh," ayuu daba dhigay, isaga oo umuuqda mid ayidaya inaanu dagaal dhici doonin.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka iyo Iiraan oo cadaawad soo jireen ah ay dhextaalo ayaa isku haya sameysashada Tehran ee hubka iyo danaha is-diidan ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM