Trump oo ka hadlay in uu cafinayo xubnihii abaabulay xilka qaadistiisa

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa caddeeyay in uusan saamixi doonin xubnihii isku dabariday xilka xayuubintiisa.

"Mararka qaarkood ma sahlana waxyaabo aad jeceshahay, marka ay timaado xil ka xayuubin waxbo ma ahan, sidda aad u jeceshahay, aniga waxaan isku dayayaan in dadkaas aanan u fududeyn," ayuu yiri.

Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad duco ah oo aroornimadii Khamiista maanta ah ka dhacday magaaladda Washington.

Arbacadii, Aqalka Sarre ayaa laalay dacwadda maamuus ka xayuubinta Trump, iyagoo waxba kama jiraan kasoo qaadey laba eedeymo.

Eedeymaha ayaa kala ahaa; in uu sameeyay ku tagrifal awoodeed iyo in uu carqaladeeyay baaris uu Aqalka Hoose uu waddey.

Dimuqraadiyiinta ayaa abaabulay mooshinkaas, halka Jamhuuriyiinta oo Trump uu calanka u wado ay difaacaan madaxweynaha.

Sikastaba ha ahaatee, Donald Trump ayaa haatan xafiiska sii joogi doona illaa iyo doorashadda soo aadan oo uu difaacan doono kursigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM