Turkiga oo shaaciyey talaabada uu ka qaadayo qoyska Baqdaadi

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay in ciidamadda dalkiisa ay qabteen xaaska iyo caruurta hogaamiyihii la dilay ee Daacish, Abuubabar Al-Baqdaadi.

Erdoğan ayaa tilmaamay in ay ku xaqiijiyeen tijaabo caafimaad oo ku saabsan hidde sidaha loo yaqaano DNA-ga.

Howlgalka lagu soo qabqabtay ayuu tilmaamay in laga sameeyay waqoyga dalka colaaduhu la galeen ee Suuriya.

Talaabadda xigta oo ay ka qaadi doonan ayaa waxa sheegay in la geyn doono xarun dhaqan-celin iyo xanaaneyn.

"Su'aallo waydiimo ku saabsan mowqifkooda iyo xogta aabahood ayaa barbar socon doona," ayuu raaciyey Erdoğan

Todobaadkii hore ayay ahayd markii xukuumadda Ankara shaacisay in ay gacanta ku dhigtay gabadha ugu weyn qoyska Baqdaadi, seygeeda, dumaashigeeda iyo shan caruur ah oo ay dhashay.

Rasmiya Awad oo 65-sano jir ah ayaa qoyskeeda kula nooleed Konteenar dhexdiisa gudaha gobolka Xalab ee Suuriya.

Turkiga ayaa dalka Suuriya kawada howlgal balaaran oo ka dhan ah kooxda PKK oo uu u aqoonsan yahay urur argagixiso, waxaana ujeedkiisu yahay sidii uu uga dhaqaajin lahaa xuduudkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM