Wafdi ka socda Golaha Ammaanka UN-ka oo kusii jeeda Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xubno ka socda Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa booqanaya Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed dhamaadka bishan October, sidda uu sheegay Jerry Matjila.

Matjila, wakiilka joogtada ah ee Koonfur Afrika u fadhiya UN-ka, ayaa sidoo kale wuxuu yahay madaxweynaha Golahaas oo kamid ah qeybaha ugu muhiimsan Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Wafdiga oo ku hor-maraya Itoobiya iyo xarunta Midowga Afrika ayaa inta u dhaxeysa 23-24 waxay wada hadalo sanadeed la qaadan doonan Guddiga Amniga iyo Nabadda ee ururkaas.

Maalinta xigta, iyadda oo uu wehlinayo safiirka Mareykanka ee UN-ka, Kelly Craft, taasoo xafiiska la wareegtay 12-kii September, waxay u kicitami doonan Juba, socdaal qaadanaya maalin.

"Ajendaha waa mid lasii diyaariyey; kulamo dhowr ahna waa lasii qorsheeyay inta safarkan ay ku jiraan," ayuu Matjila xusay.

Mas'uuliyiinta ayaa la filayaa in ay Addis Ababa ka dhoofaan 26-ka October ayna maalinta xigta ku laabtaan New York.

Inta ay ku guda jiraan socdaalkooda waxay kawada xaajoon doonan arrimo ku aadan Bariga Dhexe, diblumaasiyadda, howlgalada UN-ka ee Afrika, si lamid ah haweenka, amniga, nabadda iyo siyaasada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM