Walaalka ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ee iska casilay laba xil

Image

LONDON, UK – Walaalka ra’iisul wasaaraha waddanka Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in uu iska casilay laba xil oo kala ah; wasiir iyo Xildhibaanimo.

Jo Johnson oo labadaasi jago u hayey xisbiga muxaafadka ah ayaa sababta uu xafiiska u baneynayo ku sheegay "ismaandhaaf kasoo kala dhex-galay midka uu daacad u noqonayo reerkiisa iyo qaranka".

Mas’uulkan oo ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo mudane laga soo doorto magaaladda caanka ah ee Orpington ayaa wuxuu si cad ugu doodey "in xiisad aanan la xalin karin ay soo food-saartay xilkiisa".

Mr Johnson oo Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa wuxuu u coddeeyay in Ingiriiska uu baaqi kusii ahaado Midowga Yurub kadib aftidii qabsoontay sanadkii 2016-kii.

Sanadkii hore mar ayuu iska casilay xil wasiirnimo intii ay xafiiska joogtay Theresa May kadib markii uu mucaaraday heshiiskii ka bixitaanka EU-da oo ay kusoo saxiixday magaaladda Brussels.

Balse waxaa dib uu ugu soo laabtay xukuumadda intii lagu guda jira xagaagan kadib doorashadii xisbiga muxaafadka ee walaalkiisa loogu doortay hogaamiyaha xisbigaasi awooda badan.

Doorashadii guud ee ka dhacday guud ahaan dalweynaha Boqortooyadda Ingiriiska, Mr Johnson ayaa waxa uu kusoo baxay kursiga xeer-dejinta Orpington markii uu uruur-saday codad caqlabiyad leh oo dhan 19,453.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM