Waqtiga uu Aqalka Sare go'aan ka gaarayo xilka ka qaadista Trump

Image

WASHINGTON, US – Aqalka Hoose ee dalka Mareykanka ayaa Arbacadii isku raacay in xilka xayuubin lagu sameeyo madaxweyne Donald Trump oo laga gudbiyey mooshin abaabulan.

Go'aanka ugu dambeeya ee ku aadan xil-heynta Trump waxaa gaaraya Aqalka Sarre oo cod u qaadaya 9-ka Janaayo, 2020.

Saadaasha ayaa muujineysa in Aqalka Sarre uu ka hor-imaan doono xilka ka qaadista Trump, maadaama aqlabiyadda ugu badan ee golaha uu haysto xisbiga talada haya ee Jamhuuriga.

Xisbiga dimuqraadiga oo maamula Aqalka Hoose ayaa isku soo dabariday soo jeedinta ka dhanka ah Trump.

Eedeymaha ay u cuskadeen xilka ka qaadista Trump ayaa ah laba qodob; in uu ku kacay ku tagri fal awoodeed iyo in uu carqaladeeyay shaqadda Aqalka Hoose.

Hadii ay suurta-gasho in Trump xilka laga qaado, madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa noqonaya sii haayaha, inta laga gaarayo dhamaadka xilheynta oo ah January 20, 2021.

Sikastaba ha ahaatee, Donald Trump ayaa wuxuu noqonaya madaxweynihii saddexaad ee taariikhda Mareykanka xilka ka qaadis lagu sameeyo isagoo uusan ka dhamaan mudda xileedkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM