Trump oo ciidamo diraya xili xiisada Iran iyo Mareykanka ay sii kordhayso

Image

WASHINGTON - Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu wadaa inay Aqalka Cad ku war-geliso suurta-galnimada kumanaan ciidamo Mareykan oo dheeraad ah oo loo diro Bariga Dhexe, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Codsiga ku saabsan ciidamada dheeraadka ah oo ka yimid Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa maanta loo gudbin doonaa Aqalka Cad, sida ay sheegeen saraakiil codsaday inaan magacyadooda la shaacin.

Ma cadda haddii Aqalka Cad uu ansixin doono codsiga dhammaan ciidamada ama qaar ka mid ah, iyo sidoo kale habka difaaca gantaallada ee Patriot iyo maraakiib dagaal.

Arrintan ayaa imanayesa ayada oo ay sii kordheyso xiisadda ka dhex-oogan Mareykanka iyo Iran, kdib markii madaxweyne Trump uu Iran saaray xayiraad meel hoose gaysay saliiddii ay dhoofin jirtay islamarkaana uu kordhiyey joogitaanka ciidamada Mareykanka ee khaliijka, ayada oo laga jawaabayo halis la sheegay inay ka imaneyso Iran.

In kasta oo marar badan uu jeediyey hadallo hanjabaado ah, haddana Trump ayaa sii-hayaha xog-hayaha gaashaandhigga Patrick Shanahan u sheegay inuusan dooneyn inuu dagaal la galo Iran.

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM