Xildhibaanada mucaaradka Venezuela oo lagu eedeeyay khiyaano qaran

Image

CARACAS, Venezuela - Maxkamada Sare ee Venezuela ayaa tobban Xildhibaan oo mucaarad ah waxay ku eedeeysay in ay ku kaceen falal liddi ku ah qaranimadda wadankaasi.

Mudaneyaasha ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in ay sameeyeen falal dhiirogelinaya "cadowga dalkaasi" oo haatan dhexda uga jira khalalaaso siyaasadeed.

Sharcidejiyaasha ayaa la sheegay in ay ka taageereen Juan Guaidó, hogaamiyaha mucaaradka, kaasi oo ku fashilmay isku day uu ku doonayo in uu inqilaab ku sameeyo.

Guaidó ayaa waxay aad isugu hayaan Nicolás Maduro, madaxweynaha wadankaasi qaarada Ameerika dhaca, waxaana laga cabsi qabaa in jahwareerka uu ii socodo.

Labadaan nin oo ay kala taageerayaan Mareykanka iyo Ruushka ayaa isku haya xukunka wadankaasi oo xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto tan iyo bilowgii sanadkaan.

Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in uu doonayo in uu daaqada ka saaro Maduro, kaasi oo aragti ahaan ay iska soo horjeedaan, inkasta oo taageerada ciidamada uu haysto.

Dacwadda lagu soo oogay tobbankaan mudane ayaa kusoo beegmeysa in Xildhibaano kale oo lasoo xiray todobaadkii hore lagu soo eedeeyay isla eedeymo tan lamida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisada Mareykanka iyo Canada oo sii xoogeysatay

War uu ku qoray bartiisa Truth Social, Trump ayaa Canada ku tilmaamay "waddan aad u adag marka la eego ganacsiga"

  • Caalamka

    28-06-2025

  • 11:18AM

Iran Oo Billowday Aaska Qaran Ee Taliyayaal Ciidan Iyo Saynisyahano Dagaalka Loogu Dilay

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa yareeyay muhiimadda weerarrada dowladda Mareykanka.

  • Caalamka

    28-06-2025

  • 05:22AM