Xildhibaano la xiray oo xaadiray furitaanka baarlamaanka Spain

Image

MADRID, Spain – Baarlamaanka dalka Spain ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu yeeshay fadhigii ugu horeeyay kadib doorashadii 24-ka April.

Doorashadaasi ayaa xubnaha ugu badan ee ka helay xeer-dejinta xisbiga Shuuciga, wallow uusan helin aqlabiyada ugu badan.

Xildhibaanada kulanka kasoo muuqday waxaa ku jira Shan mudane, kuwaasi oo tartanka kusoo baxay balse la xiray sanadkii 2017-kii.

Sharcidejiyahaasha ayaa lagu kala magacabaa; Josep Rull, Oriol Junqueras, Jordi Sànchez, Jordi Turull iyo Raül Romeva.

Afar kamida shantooda ayaa ka tirsan Aqalka Hoose halka midka kale uu kamid yahay Golaha Aqalka Sarre [Senators-ka].

Mas'uuliyiinta oo la dhaariyay ayaa la filayaa in dib loogu celiyo xabsiga, maadaama ay wajahayaan dacwad aad u culus.

Xeer-ilaalinta ayaa kusoo eedeysay in ay kala qaybinayaan dalka, maadaama ay u olaleynayeen in gobolka ay kasoo jeedaan ee Catalan uu madax banaani qaato.

Hogaamiyaha gobolka gooni isu taagga ah ee Catalonia, Carles Puigdemont, oo baxsad ku ah Belgium-ka, ayaa dhaleeceeyay xariga Xildhibaanada.

Waa markii ugu horeysay oo Spain ay ka dhacdo in Mudaneyaal la xiray ay kasoo muuqdaan fadhiga baarlamaanka wadankaasi.

Sikastaba ha ahaatee, xubnahaan ayaa xabsiga la dhigay maalmo kadib Aftidii muranka dhalisay ee gobolka Catalonia, taasi oo dadka halkaasi degan ay ugu coddeyaan in ay ka go'aan Spain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM