Xisbi Islaami ah oo horkacaya doorashada baarlamaanka Tunisia

Image

TUNIS, Tunisa – Natiijo horudhac ah ayaa waxay muujineysaa in xisbiga Islaamiga ah ee Ennahdha uu hogaaminayo doorashadda baarlamaanka ee dalka Carbeed ee Tunisia, isaga oo haysta 17.5%.

Xisbiga Heart of Tunisia oo kaalinta labaad soo galay kana mid ah kuwa aadka loogu saadaalinayo ayaa leh 15.6%.

Macluumaadkan ayaa ku saabsan xog-uruurin la sameeyay oo ku aadan coddeynta, taasoo xamaasad badan. Wareeg labaad oo harsan ayaa la guda geli doonaa.

Xisbiga Free Destourian ayaa waxa uu soo galay kaalinta saddexaad ee kala sareynta wareega koowaad.

Dhinaca kale, gudoomiyaha guddiga dooashooyinka Tunisia, Nabil Baffoun, ayaa tibaaxay in u soo bixitaanka cod-dhiibashadda ay ahayd mid aad u sareysa, isaga oo bogaadiyey muwaadiniinta.

Sanaadiiqda cod-bixinta oo goboladda kala duwan ee waddankaas yaalay ayaa si rasmi ah u furmay Axadii, 7-da October.

In ka badan 15-kun oo murashaxiin kana kala socda xisbiyo kala duwan, isbaheysiyo iyo tartamayaal madax banaan ayaa ku baratamaya 217 kursi oo kamid ah Golaha Wakiiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM