Xukun laga soo saarey dhul ay isku haystaan Muslimiinta iyo Hinduuska

Image

NEW DEHLI, India – Maxkamadda Sarre ee Hindiya ayaa Sabtida maanta ah go’aan kama dambeys ah kasoo saartay goob ay isku haysteen Muslimiinta iyo Hinduuda.

Muslimiinta oo doonaya ay halkaas ka dhisaan Masaajid ayaa waxay doodoodu ku saleysan tahay in ay ku tukunayeen tan iyo sanadka markii uu ahaa 1949-kii.

Halka Hinduuda oo damacsan in ay ka hirgeliyaan Macbad ay ku barooranayaan in uu deganaa goobtaas Ram, oo kamid ah raggii aadka ugu ololeyn jiray.

Masjidka Babri oo 460-sano jir ah ayaa waxaa burburiyey Hinduuga sanadkii 1992-dii kadib qalalaaso Diineed oo galaaftay kumanaan oo badankooda Muslimiin ah.

Sidda laga soo xitay warbaahinta maxaliga ah, xeer-beegtada ugu sareysa wadankaas dhaca qaaradda dadka badan ee Aasiya ayaa dhulka u go'aamisay Hinduuda.

Garsooreyaasha ayaa sidoo kale waxay ku dhawaaqeen in Muslimiinta la siin doono goob kale oo ay ka dhisan doonan Masaajidka.

Dhulka uu muranka ka taagtaa ayaa ku yaala magaaladda caanka ah ee Ayodhya oo dhacda waqoyga gobolka Uttar Pradesh ee dalkaas.

Dadka ku aftirsadda Hinduuda ayaa waxaa la sheegayaa in ay yihiin taageereyaasha ugu badan ee xisbiga uu hogaamiyo ra'iisul wasaaraha talada haya ee Narendra Modi.

Go'aankaan oo su'aallo dhaliyey ayaa lagu soo beegay xili ammaanka aad loo adkeeyay isla markaana dowladdu ay ciidamo dheeri ah u daabushay dhulka muranka keenay.

Sikastaba ha ahaatee, Hinduuda oo dadka ugu badan ee Hindiya ah ayaa tiradooda lagu sheegaa in ka badan 70%, halka Muslimiinta oo tiro yar ah lagu tilmaamay 6%.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM