Xukuumada Russia oo xafiiska faarujisay kadib baaq ka yimid Putin

Image

MOSCOW, Russia – Xukuumadda Ruushka ayaa guud ahaan is-casishay maanta oo Arbaco ah markii madaxweyne Vladimir Putin uu cod dheer kusoo jeediyey baahi loo qabo is-bedel dastuuri ah.

Putin, oo khudbad sanadle ah u jeediyey baarlamaanka, ayaa gudbiyey afti ku saaban dastuurka oo lagu kordhinayo awooda baarlamaanka iyaddoo la xoojinayo nidaamka Madaxtooyada.

"Waxaan tixgelinayaa in ay daruuri tahay in muwaadiniinteena ay codkooda isbedel ugu sameeyaan dastuurka dalka," ayuu yiri, isagoo aanan muddeyn waqtiga loo codeynayo aftida.

Hadalka Putin ayaa imaanaya iyaddoo korjoogtada ay isha ku hayso qaabka uu dib u habeyn ugu sameeyo nidaamka siyaasadeed kahor 2024, oo uu ka dhamaanayo muddo xileedkiisa.

Marka la gaaro taariikhdaas, Putin ayaa noqon doonaa 71-sano jir, maadaama uu waqti xaadirkan uu yahay 67-jir.

Dhinaca kale, Putin ayaa Mikhail Mishustin u magacaabay ra'iisul wasaaraha cusub. Mishustin, madaxii hay'adda canshuuraha, ayaa xulashadiisu noqotay lama filaan.

Sanadkii 1993-dii ayay ahayd markii ugu dambeysay oo Ruushku afti u qaaday Dastuurka, waxaana xiligaas talada hayey Boris Yeltsin, oo uu xukunka kala wareegay madaxweynaha iminnka, Putin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM