Yacquub Axmed: Soomaaliga kiiskiisu gilgilay maxkamada Ingiriiska

Image

LONDON, UK – Maxkamad ku taala degmadda Feltham ee galbeedka magaaladda London, xarunta Ingiriiska, waxaa lasoo teegay shaqsi Soomaali ah.

Yacquub Axmed, oo 30-sano jir ah, ayaa waxaa loo haystaa in uu kufsaday gabar 16-sano jir ah. Haweenayda waxaa magaceeda loo qariyey sababo jira.

Dhageysigii u dambeeyay ayaa waxaa qareenadda Yacquub ay ku codsadeen in damaanad lagu sii daayo "maadaama dhibaato caafimaad ay haysato".

Xeer-beegtada ayaa gabi ahaanba waxay kasoo horjeesatay codsiga, iyaga oo ku dooday in ay jiraan "caddeymo is-khilaafsan oo ku aadan in uu xanuun jiro".

Axmed ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2018-kii waxaa "lagu helay dambiga," isaga oo garka loo geliyay xukun dhan sagaal sano oo xabsi ah.

Maalmo kadib, maxkamadda ayaa amar ku bixisay in la musaafuriyo, balse gadood ay sameeyeen rakaabka diyaaradda ayaa baajisay tarxiilida.

Kadib fadhiga maxkamadda, Yacquub oo la hadlay wargeyska Daily Mail wuxuu tilmaamay in uu yahay shaqsi aan waxba galabsan.

"Waxaan jeclaan lahaa in aan sheego in aan dhab ahaantii ahay qofaan waxba galabsan," ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Wuxuu ku daray: "Warbaahinta waxay sameyneysaa in aan ahay dambiile, kiiskeyga waxaa la hareer-mariyey cadaaladda".

"Layma siinin fursad aan rafcaan uga qaato xukunka, sababtoo ah dhibaato dhaqaale oo i haysata," ayuu daboolka ka qaadey.

Yacquub oo cod dheer ku hadlaya ayaa taageero wuxuu waydiistay cid walba oo taageeri karta si gaar ah Jaaliyadda Soomaaliyeed.

"Waxaan ahay qof aan waxba galabsan, waxaa laygu xukumay dambi aan geysan. Waan hadlayaa. Dadka way ogaan doonan xaqiiqadda," ayuu kusoo xiray.

Dhinaca kale, maxkamadda kiiska haysa kama jawaabin fursado ka jawaabitaan eedeynaha Yacquub ah taas oo ay siisay warbaahinta madaxa banaan.

Sikastaba ha ahaatee, gal-dacwadeedka Yacquub oo ruxay garsoorka Ingiriiska ayaa lagu qeexay mid kamid ah kuwii ugu waqtiga dheer ee go'aan ka gaaristooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM