Yahuuda oo galeysa doorasho cusub xili Netanyahu dharbaaxo la kulmay

Image

TEL AVIV, Israel - Sharcidejiyeyaasha Yahuuda ayaa u codeeyay in la kala diro baarlamaanka kadib markii ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ku fashilmay in uu soo dhiso dowlad wadaag ah.

Coddeyn si wayn la isugu dhowaa ayaa go’aamisay in la qabto doorasho cusub, taasi oo qabsoomeysa 17-ka bisha September ee sanadkan 2019.

Mr Netanyahu ayaa awoodi waayey in uu heshiis la gaaro Isbaheysiga midigta fog kadib cod-bixintii xisbigiisa ku helay aqlabiyad kooban, bishii lasoo dhaafay.

Qodobka la isku mari waayey ayaa ah sharci waajib uga dhigaya ardayda in ay qaataan casharro ku saabsan militarinimo [ciidanka].

Xeer-dejinta ayaa u kala qayb-santay 74-45 oo ay kala diraan ruuxadooda markii Netanyahu uu lumiyey fursadii ugu dambeysay ee habeenimadii Arbacadda saddexda fiidnimo.

Sikastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay sooyaalka maamulka Israel oo ra’iisul wasaare uu ku guuldareysto in uu soo dhiso dowlad wadaag ah, waxayna taariikh fool-xun u tahay Mr Netanyahu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM