Koobka kubada cagta gobolada Puntland oo la siyaasadeeyay

Image
Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Karaash, ayaa xulka Haylaan guddoon-siiyey koobka ay hanteen. [File Photo]

GAROWE, Puntland – Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii garoonka kubada cagta Mire Awaare ee caasimada Puntland lagu soo afjaray koobka gobolada iyadda oo Haylaan ay gool-ku-laad kaga qaadey dhigooda Nugaal.

Tartanka oo mudadii uu socday ay hareeyeen eedeymo diyaar-garow la’aan, habac-sanaan, eexasho iyo wax-is-dabamarin ayaa u muuqanaya mid kalkan u diga-rogtey siyaasad markii natiijada kama dambeysta soo baxdey.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka kana soo jeeda Puntland ayaa isku dayaya in ay ka dhex-kaluumeystaan koobka iyagoo Muqdisho ku casuumay guuleysteyaasha una balamiyey kulan saaxiibtinimo ay kula yeeshaan Horseed.

Sida ay wararku sheegayaan, dowlada Puntland ayaa u aragta casuumaada mid salka ku haysa siyaasad ay damacsan yihiin mas'uuliyiintaas.

Kooxda Horseed oo metesha ciidamadda xoogga Soomaaliyeed (SNA) ayaa fasal-ciyaareedkii hore ku guuleystay horyaalka heer qaran ee kubada cagta.

Cali Yare, guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir kuna dhow Villa Soomaaliya, ayaa si buun-buunin ah ugu shaaciyey bartiisa Facebook-ga in ay soo dhaweyn iyo casuumaad balaaran u sameynayaan xulka Haylaan.

Xulka Haylaan oo safaro kusoo maray magaalooyin ay kamid tahay Qardho ayaa haatan ku sugan Garowe iyadda oo wasiirada kasoo jeeda gobolkaas ee ka tirsan Puntland ay ku fashilmeen in ay socdaalkaas ka baajiyaan xulka.

Marti-qaadka Muqdisho loogu sameeyay xulka gobolka Haylaan ayaa waxaa gedaal ka riixaya mas’uuliyiinta heer federaal ee taabacsan Madaxtooyada Soomaaliya kuwaasoo xiriir fiican uusan kala dhaxeyn dowladda Puntland.

Ololahan ayaa kusoo beegmaya xilli waddanka uu ku jiro jawi doorasho. Mas’uuliyiintan waxay badankoodu yihiin qaar doonaya kuraas Golaha Shacabka, halka tiro kamid ah ay waayeen kamid noqoshadda Aqalka Sare.

Afartii sano ee lasoo dhaafay, maamulka Farmaajo ee muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa aad ugu caan-baxay in uu shacabka ku bixiyo maamulada ka aragtida duwan taasoo kasoo horjeeda dastuurka qabyada ah.

Dastuurka ku meelgaarka ah ayaa xeerinaya in ay wada-shaqeyn dhowr ay yeeshaan dowladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah. Balse, maamulka Farmaajo waxaa lagu eedeeyay in uu hantida dadweynaha ku abuuray xasilooni daro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM