13 Qof oo ku dhintay Dagaal ka dhacay Goof-gaduud

Image

BAYDHABO, Somalia- Dagaal xoog leh ayaa maanta ka dhacay deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay, kaasoo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Isku dhaca labada dhinac ayaa keenay in kooxda Al Shabaab muddo kooban gacanta ku dhigto deegaankaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Khasaaro xooggan ayaa ka dhashay dagaalkaas, waxaana la xaqiijiyay dhimashada 13 qof oo kamid ah dhinacyadii dagaallamay.

6 kamid ah waa ciidamada maamulka Koofur Galbeed oo Miino la qaraxday iyagoo watay baabur Cabdi Bile ah xilli ay gurmad usoo ahaayeen dagaalka kasocday Goof-gaduud.

Waxaa ku dhaawacmay 10 kale oo kamid ah xoogaga labada dhinac.

Wararka uu helayo GO, ayaa sheegaya in mid kamid ah gaadiidka dagaalka uu gacanta u galay kooxda Al Shabaab.

Shiino Macalin Nuurow, oo taliyaha ciidamada Booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa beeniyay in kooxda Al Shabaab gacanta ku dhigeen deegaanka Goof-gaduud, isagoo qiray inay joogaan iminka ciidamadoodu.

Gurmadyo xoog leh oo ayaa kusii jeeda deegaankaas oo qiyaastii 30KM dhinaca Waqooyi uga beegan magaalada Baydhabo.

Xaaladda Goof-gaduud Shabeelow ayaa iminka kacsan, waxaana hareeraha magaalada laga maqlayaa rasaas goos goos ah.

Dhowr jeer oo hore kooxda Al Shabaab ayaa dagaal kusoo qaaday deegaankan oo fariisin u ah ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Majirto ilaa hadda cid katirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo dagaalkan sharaxaad ka bixiyay.

GAROWENLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM