​3 Askari oo ku dhintay Qarax ka dhacay Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia - Qarax xooggan ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose, kaasi oo geestay Khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhawaac.

Qaraxa ayaa ahaa miinada Dhulka lagu aaso waxaa lala eegtay Gaari Cabdi Bile oo ay saarnaayeen Ciidamada Dowlada Somalia, sida ay Dad Goob joogayaal ah u Sheeegeen Warsidaha Garowe Online.

Inta la ogyahay 3 Askari ayaa ku geeriyootay,  dhowr kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Gaarigooda uu haleeyay Qaraxa, xili ay marayeen  meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar.

Saraakiisha Militariga gobolka, ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Dowladda ayaa durbaba meesha ay ka dhaceen gaarey, waxaana ay halkaasi  ka Sameeyeen Howlgal dad badan lagu soo qab-qabtay.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyadda Weerarka Qaraxa ee lagu diley Askarta katirsan dowladda Somalia. Ma jirto wax War ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle, oo ku aadan Qaraxa.

Kooxda Al shabaab ayaa kordhisay weearada ay ka fulinayso gobollada dalka, kadib markii ay Cadaadis xooggan kala soo kulmeen magaalada Muqdishu, oo amnigeeda bishan Ramadan-ka aad loo adkeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM