5 qof oo ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay Muqdishu

Image

5 qof oo ku
MUQDISHU, Somalia- Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Somalia, ayaa galinkii dambe maanta ku dagaallamay magaalada Muqdishu, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay GO, u xaqiijiyeen goob joogayaal kus ugan degmada Hodon ee gobolka Banaadir, dagaalka ayaa ka dhacay goob lagu iibiyo Qaadka oo ku taalla nawaaxiga Daarta Saybiyaano oo inta badan halkaas ku ganacsadaan dad iibiya Maandooriyaha Jaadka.

Lama oga sababta keentay in labada ciidan goobta isku rasaaseeyaan, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay geerida Shan ruux oo u badan haween goobta ku gadi jiray Qaadka.

Waxaa sidoo kale jira dhaawac intaas kabada oo soo gaaray labada dhinac ee dagaallamay iyo dadkii goobta ka agdhawaa.

Laamaha ammaanka Muqdishu ayaa goobta gaaray, kuwaasoo kala dhexgalay labada ciidan ee dirirtu dhexmartay.

Magaalada Muqdishu oo inta badan ay ku suganyihiin ciidamo isugu jira, Milatary, Booliis iyo Sirdoon ayaa keentay in dagaal uu dhexmaro kuwaasoo mararka qaar kala shakiya, halka xilliyo kalena is-fahamwaa uu keeno inay dagaallaman.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka dowladda Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM