Aadan Madoobe oo shaaciyey cidda fududeysay weerarkii Jaalle Siyaad

Image
Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalbadey in sharciga la horgeeyo "khaa'iniintan".

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe, ahna ku simaha Madaxweynaha dalka, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen Xerada Jaalle Siyaad.

Xerada Jaalle Siyaad ayaa shalay waxaa ka dhacay weerar khasaara badan dhaliyay, iyadoo askar badan lagu dilay weerar kedis ah oo ka dhacay gudaha saldhiga.

Aadan Madoobe, ayaa sheegay inay masuuliyad darro tahay in ruuxii weerarka soo qaaday uu gudaha u soo galo Xerada Ciidanka, isagoo sheegay in uu aaminsan yahay in si fudud loo soo weeraray.

“Shaki iigama jiro in Qaraxii Kulliyada Jaalle Siyaad ay fududeeyeen khaa'inul waddaniyiin, waxaana Taliska Ciidanka Xoogga dalka looga baahan yahay inay jawaab cad ka bixiyaan.

Afhayeenka Aqalka Hoose ayaa ku amray saraakiisha ammaanka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan falkan, si sharciga loo horkeeno kooxihii falkaasi ka dambeeyay oo u fududeeyay kooxda Shabaab.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dhacdadan ay askarta badan ku dhinteen. Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Balse wararka aan heleyno ayaa sheegaya in inka badan 20 askari lagu dilay weerarka. Xog kale oo soo baxdey ayaa ah in ay la xiray ugu yaraan labo sarkaal ayna u badan tahay in lasoo xiri doono askar kale oo lala xiriirinayo fududeynta.

GAROWE ONLINE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM